DHAGEYSO: Amar kasoo baxay Taliska Booliska Gobolka Bari

0

Xuseen Daan

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa waxa uu ka hadlay Caqabada ka heysata marka uu dab kaco waddooyinka cariiriga ah oo gaadiidka Booyadaha dab damiska ay waayaan meel ay maraan.

Munaasabad ka dhacday Boosaaso ayuu Taliye Xuseen sheegay in loo baahan yahay mehradaha ganacsiga iyo xaafadaha isku raranta ah inay baneeyaan jidadka Xiran.

Waxa uu sheegay taliyuhu isagoo tusaale usoo qaatay dab bishii hore ka kacay goob ganacsi oo hanti badan ku bas beeshay lana waayey qaab loo damiyo dabka waddooyin cariiri ah awgeed.


Inta badan dabka marka uu kaco ayaa waxa kooxaha dab damiska ay ka cawdaan inaysan helin meelo ay maraan booyadaha guryaha sida loo dhisay oo cariiri ah.