DHAGEYSO: Shir Baydhabo ugu soo dhamaadya DFS & Maamul Gobolleedyada

0

Baydhabo 720x430

Kulankaan oo ahaa mid wadatashi ay lahaayeen Mas’uuliyiin kasocday Dawlad Gobolleedyada iyo Dawlada Federaalka ayaa lagu soo gaba gabeeyey Magaalada Baydhabo.

Waxa shirkaan soo agaasimay Hay’ada Tiro koobka Qaranka Soomaaliyeed iyadoo arimo dhowr ah la isku afgartay.

Agaasimaha Wasaarada Qorsheynta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Isaaq Maxamuud Mursal ayaa warbaahinta uga warbixiyey waxyaabaha kasoo baxay gaba gabada shirkaasi labada maalin ka socday Baydhabo.


Shirkaan ayaa waxa uu ahaa kii labaad,wejigiisii koobaad ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho waxaana la filayaa wejiga seddexaad in lagu qabto Kismaayo ama Garowe sida la qorsheenayo.