Maxkamada ciidamada oo xukun ku riday Tuugii ugu xariifsanaa Muqdisho

0

Eedeysane

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliya ayaa xukun ku riday Cabdifitaax Cali Cumar & Nuur Cali Xasan kuwaas oo la qabtay labaduba iyagoo ku guda jiray fal dembiyeed ah dhac ay ugeysanayeen Shacabka Muqdisho.

Labadaan shakhsi ee Maxkamada kasoo hor muuqday ayaa waxa lagu soo bandhigay Saldhiga Degmada Hodan 30-kii Bishii hore Juune xilli ciidamada Booliska ay howlgal kusoo qabteen iyagoo gaari nuuca raaxada watay oo dhac geysanaya.

Afar maalin oo gal dacwadeedkooda la dhageysanayey ayaa ugu dambeyn maxkamada go’aan ka gaartay waxaana C/fitaax uu ka hor sheegay maxkamada in uu ahaa Macalin dugsi oo qur’aanka dhigi jiray ka hor burcadnimada uu uwareegin.

Nuur Cali Xasan ayaa isagu lagu soo eedeeyey inuu moobilada uu soo dhaco C/fitaax u iib geyn jiray,waxaana maalmo kadib xafiiska xeer ilaalinta dacwadii ay soo oogeen lasoo gaba gabeeyey.

C/fitaax Cali Cumar ayaa maxkamadu waxay ku riday Xukun ah 10 sano Xabsi ciidan ah iyadoo Nuur Cali Xasan isna labo sano Xabsi ciidan ah ah lagu xukumay,sida uu shaaciyey Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koobaad Ee Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute),waxaana Xukmanayaasha ay heystaan fursad ay racfaan ku qaadan karaan.