ISKU SOCOD-KII QADKA TAREEN EE ISKU XIRA DALALKA ETHIOPIA IYO DJIBOUTI OO HAKAD KU YIMID

0

Wararka laga helayo gudaha Ethiopia ayaa sheegaya inuu hakaday isu socodka jidka tareenkanka ee Djibouti iyo Ethiopia, kadib markii ay jabhadda Tigreega iyo Canfarta oo is Garabsanaya ay ku dhawaadeen jidkaasi oo dagaallo culus ay ka wadeen deegaanno aad ugu dhaw jidka.

Dhawaan waxaa soo rogaal celiyey ciidamada Jamhadda TPLF oo dagaal adag ku qaaday qeybo badan oo ka midaa ismaamulka Amxaarda iyadoo dagaalkaasi sababay qasaaro Lixaad le oo iskgu jira barakac xoogan, dhimasho  iyo dhaawac farabadan.

Ma jiro war kasoo baxay dawladda Federaalka Ethiopia oo ku saabsan sheegashada TPLF ee ah in ay jareen qaybo ka mid ah jidka tareenka.

Jidkan muhiimka ah ee dhaqdhaqaaqiisa la sheegay inuu hakaday waxaa mara 90% badeecadaha ay dhoofiso Ethiopia iyo shixnadaha ay kala soo degto Djibout.