REYSAL WASAARRE ROOBLE OO AMRAY IN AAN LAGA CELIN KARIN GAROOMADA DALKA MADAXDA MUSHARAXIINTA.

0

Rooble

Reysaliwasaarre Rooble ayaa amar buuxa ku bixiyey in aan Madaxda Musharaxiinta Doorashada Dalka laga celin karin guud ahaan Garoomada dalka Dalka xiliyada ay socdaalayaan.

Maxamed Xuseen Rooble Reysal Wasarraha Dowlada ayaa dhamaan qeybaha kala duwan ee Ciidamada u sheegay in aan la aqbali doonin in la xayiro ama la joojiyo socdaalada Maxaxda u taagan xilka ugu sareeya Dalka.

horay ayaa dowlada Somaaliya Ciidamo ka tirsan ay is-hortaag ku sameeyeen Madaxweynayaashii horre ee Dalka soomaray iyo Madax kale oo ka midaa kuwa u taagan xilka Madaxweyna-nimo ee Qaaranka.

hadal Reysal Wasaarre Rooble ayaa imaanaya xili ay Madaxda Musharaxiinta Rabaan in ay u safraan Gobolada dalka iyo dalka dibadiisa maadama ay rabaan Olole xoogan oo ay ku doonayaan ku guuleysiga kursiga ugu sareeya Dalka.

By Mohamed Yahye Jinow