SAWIIRO: MADAX-WEYNAYAASHII HORRE XASAN SHIEKH IYO SHIEKH SHARIIF OO LAGU WADO IN AY GAARAAN DEGMADA CADALE EE G/SHABEELAHA DHEXE

0

Shariif Iyo Xasan

Madaxdii horre ee  Dalka Xasan Shiekh Maxamuud iyo Shiekh Shariif Axmed ayaa lagu wadaa in ay gaaraan maanta Degamada Cadale ee Gobolka shabeelada Dhexe.

Ujeedka Madaxdan ayaa lagu sheegay in ay wadaan dhagax dhiga dhismayaal hormarineed oo degmada Cadale yeelan doonto kuwaas oo dhawaan la filayo in ay bilaabaan dhismahooda.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada taariikhiga ah ee Cadale.

Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayo oo ay isugu jiraan Wasiiro iyo Xildhibaano heer Federaal, xubnaha labada gole ee Hirshabeelle, Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Saraakiil iyo Marti sharafta kale waxaa si wayn u soo dhoweeyay bulshada iyo Maamulka Degamada Cadale.

Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa inta uu joogo degmada cadale waxa uu kalamo kala duwan la qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada Degmada Cadale.

 

By Mohamed Yahye Jinow