Dabeylo ku dhuftay Badda Berbera oo saameyn ku yeeshay Kalluumeysatada

0

101083728 Fish Market2

Kalluumeysatada magaalada Berbera ayaa sheegay iney shaqo la’aan la soo deristay kaddib marki ay badda ku dhufteen dabeylo saameeyey howlahooda kalluumeysiga.

Dabeylahan oo badanaa bilaha lixaad iyo toddobaad ku dhufta Berbera ayaa lagu soo warramayaa inay yihiin kuwa aad u xooggan.

Dhawaan ayay markii mid ka mid ah kalluumeysatada Berbera uu geeriyooday, halka qaar kalana la soo badbaadiyey, kadib markii ay saameyn ku yeesheen dabeylo ku dhuftay Badda Berbera, sida uu sheegay Ismaaciil Cabdi Xirsi.