Ilyaas Badal Gaboose oo noqday xildhibaankii ugu horeeyay ee maanta lagu doortay Kismaayo

0

Gaboose 696x464 1

Ilyaas Badal Gaboose ayaa noqday senatarkii ugu horeeyay oo la doorta isagoo heley 55 cod halka murashaxa la tartamayay Maxmaed Axmed Sayid uu heley 17 cod, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha wakiilada Jubaland, Cabdi Maxamed C/raxmaan.

Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in 73 xildhibaan ay u kula codeeyeen labada murashax.

Xildhibaanka Aqalka Sare ee Maanta lagu doortay magalada Kismaayo ee Ilyaas Badal Gaboose ayaa xilligii dowladii Madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf Axmed waxaa uu noqday Guddoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose.