Madaxweyne Qoor qoor iyo ku xigeenkiisa oo is qilaafay

0

Qilaaf Xoogan ayaa ka tagan mid ka mid ah kuraasta Beesha mareexaan ee ku xoogan Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Qilaafkaan ayaa salka ku haya awood qeybsiga xaga awooda ee beelaha Celi,iyo Reer siyaad Hussein.

Mid kamid ah kuraasta aqalka hoose ee Baarlamanka Somalia ee Beelweynta Mareexaan oo afartii sano ee la soo dhafay ay ku fadhisay beesha reer siyaad Hussein ayaa hataan waxaa doonaya beesha celi ee mareexaan.

Madaxda ugu sareysa dalka ayaa Go’aamiyey in sanatar ay qaataan beesha celi reer siyaad Husseinna loo dhaafo kursigaan waxaana arintaas ka horyimid beesha celi.

Murankaan u dhaxeeya Celi,iyo reer siyaad Hussein ayaa waxa uu sababay in qilaaf ka kala dhexgalo madaxweynaha Galmudug Qoor-qoor iyo ku xigeenkii Cali Ciid.