DEG DEG- Rasaas la hubiyay dad Shacab ah

0

Fb Img 1629277041718

Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa la sheegay inay rasaaseeyeen Gaari ay dad Shacab ah saarnaayeen oo ka baxay degmada Balanballe, kuna wajahnaa degaanka Balli-dhiig oo dhanka Waqooyi Galbeed 120km ka xiga degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Weerarkaas ayaa waxaa la sheegay inay ku dhinteen laba Ruux, halka ay ku dhaawacmeen qaar kamid ah maleeshiyaadkii Gaariga rasaaseeyay kadib markii wadaha Gaariga uu ku furay rasaas uu iskaga caabinayay.