DEG DEG- Alshabaab oo weeraray deegaanka Camaara ee Gobolka Mudug

0

Fb Img 1629277041718

Kooxda Al Shabaab ayaa saakay weerar xooggan ku qaadday magaalada Camaara ee gobolka Mudug, halkaas oo ay dhawaan la wareegeen ciidamada xoogga iyo kuwa Galmudug.

Wararka laga helaayo deegaankan ayaa sheegaya in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo ay labada dhinac guulo ka kala sheegteen dagaalka.

Ma jiro war ka madax bannaan dhinacyada dirirtu dhex martay, waxeyna dadka deegaan saakay ku waabariisteen daryanka hubka culus iyo dhawaqa rasaasta.