Gaarisa: Ku dhawaad 100 ruux oo Covid-19 u geeriyootay

0

Fb Img 1630086089324

Magaalada Gaarisa waxaa kusoo kordhay kiisaska Covid-19, ku dhawaad 100 ruux ayaa xannuunka u geeriyootay 24-kii saac lasoo dhaafay, bukaanno uu haleelay cudurka ayaa la dhigay goobaha caafimaadka sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka.

Wasaaraddu waxa ay sheegtay in kiisasku ay sii kordheyn iyada oo aanay jirin feejignaan dhanka deegaanka & dedaal ay ku bixineyso Dowladda Kenya, welwel ayaa lasoo dersay dadka ka caafimaad qaba Coronavirus.

Qadka labaad ee Kenya diilinta kororka Covid-19 waxa uu saaran yahay Ismaamulka Gaarisa, Wasiirka Caafimaadka Ismaamulkaas waxa uu sheegay in guud ahaan dadka ay baareen 24-saac gudihii 16,938-ruux, waxaana Covid-19 laga helay 1846.

Ismaamulka Gaarisa waxa uu Dowladda Kenya ugu baaqay in si degdeg ah u garab istaagto maadaama fayruska laga helay dad da’ kala duwan ah sida ay ku xaaqijiyeen baaristii ay sameeyeen 24-kii saac lasoo dhaafay.