AMISOM oo Booliiska Hir-Shabeelle siisay Tababar ku saabsan ilaalinta Sharciga & Doorashooyinka.

0

Fb Img 1630123958091

Howlgalka AMISOM ayaa tababar gaar ah kuna saabsan ilaalinta sharciga & kala dambeynta siiyay Saraakiil katirsan Booliiska DG Hir-Shabeelle oo isu diyaarinaya doorashada labada Gole BFS ee lagu wado in ay ka dhacdo Magaalada Jowhar.

56 sarkaal oo 15-kamid ah ay yihiin Haween ayaa laga soo xulay qaybaha Booliiska Degmada Jowhar, muddo shan cishe ayay qaadanayeen tababar ku saabsan “Ilaalinta sharciga, kahortagga dambiyada & Doorashooyinka sida uu sheegay Eliud Mutama isu duwaha Booliiska AMISOM ee Hir-Shabeelle.

Waxa uu tilmaamay in tababarkaan uu muhiim u yahay Saraakiisha qaadatay oo mas’uuliyad weyn ka saaran tahay xasiloonida Doorashooyinka Labada Gole ee BFS kuraasta taalla Magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad-Goboleedkaas.

Wasaaradda Amniga Gudaha DG Hir-Shabeelle & AMISOM oo iska kaashaday howlgalkaan ayaa wadajir u sheegay in dooradda lagu saaray hubinta ammaanka, kahortagga rabshadaha aan hubeysneen & arrimo kale oo amniga la xiriira.

Maxamed Axmed Kulmiye, Isuduwaha Amniga ee Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle waxa uu mid muhiim ah ku tilmaamay tababarkaan isla markaana lagu soo beegay waqti loo baahi qabo in askarta ay qaataan aqoon-kororsigaan sida uu hadalka u dhigay.

Muuse Yuusuf Dhuxulow Taliyaha Saldhigga Booliiska Garoonka Diyaaradaha Jowhar waxa uu dhankiisa carabka ku dhuftay isu diyaarinta Doorashooyinka kuraasta labada Gole & Tababarka la siiyay oo ay wax badan ka fahmeen ay dhaqangelin doonaan wixii la tusiyay.

Booliiska AMISOM ayaa kordhiyay Tababarada ay siinayaan Ciidamada Federaalka & Dowlad-Goboleedyada oo ay wadajir uga wada shaqeynayaan sugidda Amniga, xoojinta laamaha ammaanka & kordhinta howlgalladooda.