Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaal ka dhacay Gobolka Bay

0

Fb Img 1630223954900

Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay dagaal Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Xubno kamid ah Al-Shabaab ku dhexmaray degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay.

Waxaa uu ka dambeeyay dagaalka kadib markii sida la sheegay Xubno katirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada Koonfur Galbeed ku leeyihiin degmada Qansaxdheere, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiil ka tirsan CKGS ayaa waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladda ay tahay mid degan, balse Ciidamada Koonfur Galbeed ay howlgallo kala duwan ka wadaan duleedka degmadaas.