Nin burcad ahaa oo Booliska Soomaliya ay toogteyn

0

Fb Img 1630223357600

Sida ay tilmaameen war inaga sol gaaray Xaafada Cali turcaaye ee degmada Yaaqshiid waxey Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ku toogteen Nin la sheegay in uu ku hubeysnaa bambaanooyinka iyo qoriga loo yaqaano AK-47 ka.

Ciidamada Booliska Saraakiishii hoggaaminesay  ee ka howlgala degmada Yaaqshiid ayaa sheegay iney Ciidamada toogteen Nin hubeysanaa xilli howlgal gaaf-wareeg  ah ay ka wadeen xaafadda uu dilka ka dhacay..

waqtiyo kala duwan oo soo jiitamayay ayaa xaafadaha dhaca degmooyinka waqooyi iyo kuwa galbeed ay dadka ka cabanayeen maleeshiyaad hubeysan kuwaa oo dil iyo dhaawacba geysta kaddib markii ay ka qaataan dadka waxyaabaha ay sitaan.

Sikstaba waxaa xusid mudan in degmooyinka qaarkood xilliyada habeenkii ah ay Ciidamada ammaanka sameeyaan howlgallo lagu xqiijinayo amniga xilliyada qaarna ay soo qabtaan rag dhac u geysta shacabka.