Taliyihii Hore ee Nisa” oo ka hadlay hishiiskii Baladweyne iyo Cali Gudlaawe

0

Fb Img 1630224622816

Taliyihii hore ee Hay’adda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo la hadlay TV-ga Universal waxa uu sheegay in heshiis laga gaaray ciidankii gadoodka ku qabsatay Xarunta Gobolka ee diidanaa safarka Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Kulamo saacado qaatay oo u dhaxeeyay Odoyaasha dhaqanka, Siyaasiyiinta & mas’uuliyiin ayaa lagu go’aamiyay in Ciidankii la magac baxay “Badbaadada Hiiraan” laga saaro goobihii ay qabsadeen si looga baaqsado dagaal dhexmara ciidamada.

“Wadahalka waxaa lagu baajiyay in dhiig lagu daadiyo Baladweyne, duubabka dhaqanka ayaa guul weyn ka gaaray in la xaliyo xiisadda, arrinta Hir-Shabeelle waa gooni balse marka ugu horreysa waa in dadka reer Baladweyne xaliyaan dareenka ka dhex jira” ayuu yiri Cabdullaahi Sanbaloolshe.

Sababta diidmada safarka Madaxweynaha DG Hir-Shabeelle ee Magaalada Baladweyne waxa uu ku sifeeyay tabashooyinka laga qabo hab dhismeedka loo maray Dowlad-Goboleedkaas, balse waxa uu sheegay in lagu garab maray in dedaal ay wadeen si Cali Guudlaawe uu Magaalada u tago loogana hadlo cabashooyinka jira.

“Meeshaan wadahadal ayaan u imaanay si Madaxweynaha uu nabadgalyo ugu tago Baladweyne loona xaliyo tabashooyinka jira, balse waa wadahadalkii & meeshii aan rabnay in wax la dhigo is jiid-jiid ayaa dhacay, waxaa adkaatay in is faham laga gaaro” ayuu yiri Taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe.