Wasiir dube oo la tacsiyadeyay geerida Fanaan shamuuri

0

Fb Img 1630558175165

Wasiirka Warfaafinta XFS Cismaan Abuukar dube oo qoraal soo dhigay boga Facebook ayaa kaga hadlay geerida AUN fanaan Shamuuri oo xalay ku dhintay muqdisho

fanaanka ayaa mudo xanuunaana balse wasiirka ayaa qoraalkiisa ku yiri sidan

Ilaahay Naxariistii Janno Allaha ha ka waraabiyee waxa xalay magaaladan Muqdisho ku geeriyooday fannaankeenii qiimaha badnaa ee Maxamed Aadan Shamuuri.

Maxamed Adan Shamuuri wuxu ahaa fannaan qaran oo dadkiisu aad u jeclaa, sidoo kale wuxu ahaa nin leh dabeecad fiican iyo dad la dhaqan wanaagsan. Ilaahay ha u naxariisto.

Geeridaas naxdinta leh waxaan uga tacsiyeynayaa qoyskiisii, asxaabtiisii, hoboladda Qaranka ee Waabari iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. Samir iyo Iimaan Rabbi ha inaga wada siiyo geerida Shamuuri, marxuumkana Jannadii Firdows Eebbe ha ugu deeqo. Aamiin