Wafdi Ka Socda Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Oo Gaaray Magaalada Jowhar

0

Fb Img 1630756942047

  • Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga doorashooyinka heer Federaal Mowliid Mataan, ayaa maanta gaaray Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Guddoomiye Mataan iyo wafdigiisa ayaa magaalada Jowhar kulan kula qaatay guddiga maamulka doorashooyinka Hirshabeelle, waxaana sidoo kale, kulanka goob joog ka ahaa Agaasimaha guud ee madaxtooyada Hirshabeelle.