Cabdiraxman cabdishakur oo ganafka ku dhufta ka soo jawabistii Fahad Yaasiin

0

Fb Img 1630861018192

War qoraal ah oo ka soo baxay siyaasiga cabdiraxman Cabdi shaluur ayaa lagu tiri sidan.

Qoraalka uu soo qoray Fahad Yaasiin, Farmaajana la ogyahay nuxur sharci iyo mid dawladeed midkoodna ka maran, waana:-

1- Xaqiraad (contempt) iyo xagal daacin lagu sameeyey go’aankii Raysalwasaare Rooble.

2- Waa farsamo kale oo awooda dib loogu celinayo Farmaajo oo uu muddo xileedkiisii sharciga ahaa dhamaaday, masuuliyada amniga dalkana meel fagaare ah Raysalwasaaraha kula wareejiyey.

3- Gole Amni Qaran meel iskuma sheego, shirna sanado iskuguma imaanin, ogta la siiyey Maxamad Mursal oo aan Golaha Amniga ka tirsanayna waa hanjabaad loo jeedinayo RW Rooble.

Haddaba maxaa Raysalwasaare Rooble la gudboon

1- Maadaama uu Fahad Yaasiin amarkiisii diiday, si toos ahna isku dhirririyey, waa in uu tilaabtii uu qaadi lahaa la sugin inta ka dhiman 48 saac.

2- In dhamaan dadkii kiiska ku lug lahaa tilaab laga qaado, lana xanibo.

3- In Guddi uu madax u yahay shakhsi khibrad iyo hufnaan leh loo magacaaba baarista kiiskan.

Shacabka Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan, gaar ahaan kuwo Muqdisho waa in aan xaqa ku garab istaagnaa Raysalwasaare Rooble, kana hortagnaa rajiimka fidno huriska ah ee gabalkiisu dhacay.