DEG DEG- X Mahad Salad” Falaad hor leh oo Fahad Yaasiin la soo shirtaga….

0

Fb Img 1630863514327

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaliya ayaa dhaliilay warkii ka soo yeeray Agaasimaha Nisa Fahad yaasin

Mahad salaad waxa uu yiri sidan.

Fahad Yaasin mar kale ayuu la soo shirtagay falaad iyo ismoogeysiis waxa laga sugayo oo ah in uu raq iyo ruux mid uun meel ku sheego gabadha gacantiisa ku maqan ee Ikraan Tahliil.

Waraaqda Fahad soo qoray waxaa ka muuqata in uu rabo in uu marin habaabiyo kiiska Ikraan Tahliil sidoo kalena uu diido amarkii RW Rooble ee ahaa in uu warbixin dhamaystiran ku keeno muddo 48 saacadood ah.

Guddiga Amniga ee Fahad waraaqdaan ku sheegay sharci ahaan iyo shaqo ahaan midna uma jiro hada. Amniga dalkana mar hore ayuu ku wareegay RW Rooble oo meel Farmaajo ka soo galo arintaan malahan. Waxaase ka sii daran qof kastana Fahmi karaa in uu ujeedo kale leeyahay marka mas’uuliyiinta waraaqdaan loo diray uu ku soo daray Gudoomiyihii hore Golaha Shacabka Maxamed Mursal.

Waxaa sidoo kale igu maqaalo ah in uu diidanyahay in uu dalka ku soo laabto oo saaxiibadiis waxay sheegayaan in uu ka shaki qabo in hadii uu dalka ku soo laabto Rooble xilka ka qaadi doono lana xiri doono.

Dhammaan mas’uuliyadda maareynta xilligan kala guurka ah waxaa iska leh oo kaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha sida ku cad Qod. 103aad ee Dastuurka KMG ah. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu mas’uul ka yahay habsami u socodka howlaha Dowladda xilligan kala guur ah isaga ayaana taabbagelinaya in dhammaan hay’adaha Dowladda ku shaqeeyaan si waafaqsan Shuruucda Maamul ee Dalka. Ciddii ku kacda ku tagrifal awoodeed waxaa waajib ku ah Ra’iisul Wasaaraha in uu tallaabo ka qaado.

Haddaba, sida muuqata Fahad isagaa dilay Ikraan Tahliil, kiiskuna isaga ayuu ku cadyahay. Sidaas daraadeed waa in ninkaas xilka qaadis degdeg ah lagu sameeyo, amar soo qabasho ahna loo jaro si sharciga loo horkeeno!

W/Q: Xildhibaan Mahad Salad