Gudoonka Aqlka Sare oo sheegay in Maxkamad ay oa tiigsan doonan Sarakiishi iyo Askartii jir dishay Wariye Bashiir

0

Fb Img 1630863099941

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka sare Abshir Bukhaari ayaa sheegay in sharciga lala tiigsan doono ciidamadii dhibka u gaystay Bashiir Maxamuud iyo Axmed Geeraar

Sida uu xeeriyay Qodobka 20aad ee Dastuurka KMG ah, dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed waxay daw u leeyihiin in diidmadooda ama cabashooda ay ku muujiyaan mudaharaad nabadeed si shuruud la’aan ah. Sidaas si la mid ah, howlwadeennada Saxaafadda Xorta ah waxay si madaxbannaan u tabin karaan wax kasta oo lagu soo bandhigo bannaanbaxa dadweyne IYAGA OO KU NAALOONAYA dammaanad-qaadka dastuuriga ah ee Qod.18aad.

Haddaba, falalka gurracan oo ay xubno ka tirsan ciidamada amniga gaar ahaan Ciidanka Boliiska kula kaceen weriye Bashiir Maxmud sidoo kale Axmed Garaar iyo muwaadiniin kale oo si nabad ah ku bannaan baxayey waxa ay xadgudub ku yihiin waajibaadka Qaran ee Ciidanka loo igmaday. Cid kasta oo amartay ama ka qeybqaadatay waxaa lala tiigsan doonaa Sharciga Dalka u yaalla.