Kheyre oo soo dhaweyay hishiiskii Cabdixaashi iyo Mahdi Guleyd

0

Fb Img 1630834078170

War qoraal ah oo ka soo baxay Raysalwasaarihii hore ee Soomaliya ayaa waxa uu ku yiri sidan

Waxaan aad u bogaadinayaa heshiiska ay gaareen siyaasiyiinta Gobollada Woqooyi ee ku aaddan in si mideysan loo wajaho Doorashooyinka dalka meelna la iska dhigo wax kasta oo abuuri kara qilaaf sii ragaadiya doorashada. Waxaa amaan mudan sida ay iyagoo madax bannaan xal uga gaareen mugdigii ka dhex jiray arrimaha doorashooyinka ee Gobollada Woqooyi.

Waxaan si gaar ah ugu amaanayaa Guddoomiyaha Aqalka Sare, Ra’iisulwasaare ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare kaalinta ay ka qaateen xalka maanta laga gaaray qilaafka doorasho ee ka dhex jiray siyaasiyiinta Gobollada Woqooyo..

Runtii waa tallaabo lagu farxo oo la qaaday xilli dalku ku jiro jawi doorasho. Waxaan ku dhiirrigelinayaa inay xoojiyaan wadajirkooda si ay heshiiskan uga miro-dhaliyaan.