Ururka Saxagiyiinta Soomaliyed oo Cambareeyay Jir dilkii loo geystay wariye Bashiir iyo dad bananbax dhigayay

0

Fb Img 1630863992732

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed Somali Journalists Syndicate – SJS iyo Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed Somali Media Association -SOMA ayaa sheegay in ay Cambarenayan weerarkii lagu qaaday saxafiyiiin iyo banaanbaxayal

war kooban oo uruka ay soo sareyen aaxa ay ku sheegen sidan, SJS waxay si adag u cambaareynayaan weerarka, garaacista, adeegsiga rasaasta nool iyo la wareegidda qalabkii suxufiyiinta ee ay geysteen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayna kula kaceen suxufiyiinta tebinayay dibad-bax maanta ka dhacay isgoyska KM4 ee Muqdisho.

Galabnimadii Axadda, askar boolis hubaysan oo ka kala yimid degmooyinka Hodan iyo Waaberi ayaa weerar ku qaaday 12 wariye oo ka kala socday wakaaladaha wararka gudaha iyo kuwa caalamiga ah, kuwaas oo ku sugnaa isgoyska KM4 si ay u tebiyaan dibadbaxayaal dalbanaya in caddaalad lagu waaro Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsaneyd Hay’adda Nabadsugidda iyo Amniga Qaranka (NISA). Sida ay sheegeen suxufiyiintu, boolisku waxay u adeegsadeen rasaas nool si ay u kala eryaan dibadbaxayaasha waxayna u cabsi geliyaan saxafiyiinta, garaaceen kaamirooyinka waxayna ka qaateen qalabkoodii.

Booliisku waxay kaloo garaaceen, jiideen oo muddo kooban xireen barnaamij soo-saaraha Warbaahinta Goobjoog, Bashiir Maxamuud, intii ay toos u wadeen dibad-baxa, taasoo keentay inuu nabarro ka soo gaaro qaybaha kala duwan ee jirkiisa.

SJS and SOMA condemn police assault on journalists, confiscation of equipment in Mogadishu