DEG DEG- Qarax lagu weeraray CXDS iyo Raysalwasaare Rooble oo si kulul uga hadlay qaraxaasi

0

Img 20210914 Wa0011

RRooble oo ka hadlay qaraxii galabta ka dhacay goob lagu shaaheynayay ayaa yiri”Waxaan cambaareynayaa qaraxii maanta argagixisada Alshabaab la beegsadeen maqaaxi ku taalla degmada Wadajir, kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad aan waxba galabsan.

Allaha u naxariisto intii dhimatay eheladoodiina Samir Allaha ka siiyo inta dhaawacantayna Allaha u boogo dhayo.

Falkan bahalnimada ahi waxa uu muujinayaa sida argagixisada Alshabaab ay ugu qabaan daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed si aan kala sooc lahayn, taas oo khasab ka dhigeysa in aan isu kaashanno la dagaallanka argagixisada.