Wasiir Dube oo xafiiska ku qaabilay wafdi ka socday Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR

0

Fb Img 1631696000138

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abukar Dubbe ayaa xafiiska ku qaabilay wafdi ka socday xafiiska Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR gaar ahaan xafiiskeeda Soomaaliya.

Kullanka waxaa ku wehliyay Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale.

Wefidiga UNHCR waxa hoggaaminayey wakiilkeeda Soomaaliya Mr. Magatte Guisse iyo Axmed Caynte oo kamid ah madaxda Sare ee UNHCR.