DEG DEG Agaasimihii hore ee hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo la filayo in galabta uu soo gaaro Muqdisho

0

Fb Img 1631869561735

Agaasimihii hore ee hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa la filayaa in galabta uu soo gaaro Muqdisho waxa uuna diyaarad gaar ah ka soo kareestay dalka Turkiga isaga iyo saraakiil kale oo katirsan xafiiskiisa.

Fahad Yaasiin ayaa shalay lagu xanibay dalka Jabuuti iyadoo 9 saacadood kadib lagu celiyay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga. Warar laga helay masuuliyiinta amaanka Soomaaliya ayaa sheegaya in Fahad uu aad u dhibsaday sawirro iyo muuqaalo shalay laga duubay taasoo sababtay in uu ka baaqsado duulimaadyada caadiga ah ee dadweynaha.