Habraaca doorashada Aqalka Hoose ee G/Waqooyi oo la soo saaray.

0

Images 23

Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahmdi Maxamed Guuleed Khadar oo si wada jir ah usoo saaray habraaca doorashada Golaha Shacabka ee BFS ee (Somaliland) ayaa sheegay in iyagoo tixgelinaya Dastuurka KMG ah ee JFS, heshiisyadii iyo habraacii Madasha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka ee 17 September 2020, 27 may iyo 22 August 2021 kuwaas oo la gaaray.

Labada masuul ayaa waxaa ay soo saareen hanaanka loo marayo doorashada Golaha Shacabka ee Xildhibaanada Gobolada Waqooyi ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa ay soo saareen laba qodob kuwaas oo ay ku kala qeexayaan Masuuliyada Hirgelinta Doorashada Golaha shacabka ee BFS ee Somaliland iyo qodobka 2aad oo ah Sharuudaha laga doonayo Musharaxa utartamaya kuraasta Golaha Shacabka