Madaxweyneyaasha Somaaliland iyo Puntland oo ka wadahadlay colaada ka taagan Sool

0

4

Wasiirka Arrimaha-gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed  oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Madaxweynayaasha maamulada  Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Somaliland,  Muuse  Biixi Cabdi  ay ka wadahadleen daminta colaad ka taagan deegaano ka tirsan tirsan Sool.

Sidoo kale wasiirka ayaa ku baaqay in si deg deg loo joojiyo dagaal beeleed ka socda magaalooyinka  Boocaame iyo Saax-maygaag ee gobolka Sool, kaasi oo u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed oo ka soo jeeda gobolada Sool iyo nugaal

Wasiirka ayaa sheegay in maamulada Puntland iyo Soomaaliland looga baahan yahay in ay qeyb ka qaataan sidii loo joojin lahaa colaada ka soo cusboonaatay deegaano hoostaga gobolka Sool.

Halka wasiirka ayaa imaanaya xili ay sii kordhayaan tirada dadka ku dhintay dagaalka  ka dhacay degaanka Saax-maygaag iyo deegaamada ka ag-dhaw una dhaxeeya maleeshiyaad ka soo kala jeeda Magaalooyinka Laascaanood iyo Garoowe, waxaana haatan soconaya dadaalo ay wadaan odayaasha dhaqanka iyo masuuliyiinta maamulada Soomaaliland iyo Puntland, kaasi oo ku aadan sidii loo joojin lahaa colaada ka taagan gobolka Sool.