James Swan oo ku baaqay in si deg deg ah loo qabto doorashooyinka

0

Fb Img 1641310617544 720x470

-War qoraal ah oo ka soo baxay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa waxaa madaxda golaha wadatashiga ugu baaqay in la dedejiyo qabsoomida doorashooyinka, si buu yiri loo horumariyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan ku biiro saaxiibada caalamiga ah ee maanta Muqdisho kula kulmay Golaha Wadatashiga Qaranka waxaana ku dhiirigeliyay golaha inay dedejiyaan geeddi-socodka doorashada Soomaaliya si loo hormariyo kalsoonida dhammaan shacabka Soomaaliyeed.”ayuu yiri James Swan.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay”Saaxiibada beesha caalamka ayaa sidoo kale dhiirigeliyay in la horumariyo habraaca doorashada, oo ay ka mid tahay in la saxo khaladaadka ku jira xeerarka habraacyada iyo in la xaqiijiyo waqtiyo cad oo loogu talagalay in si degdeg ah loo soo gabagabeeyo doorashooyin lagu kalsoonaan karo, waxayna xuseen in dhameystirkooda uu u oggolaan doono Soomaaliya inay diiradda saarto arrimaha kale ee mudnaanta leh sida amniga iyo horumarka.”