Soomaaliya iyo Finland oo ka wada hadlay iskaashiga Labada Dal..

0

3

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ee Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa khadka telefoonka waxa uu wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee Dalka Finland Pekka Haavisto.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dheef-wadaagga ah ee ka dhexeeya Labada Dal, isaga oo Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali uga mahad celiyey Dowladda Finland taageerada ay u fidiso Soomaaliya.