Bannaanbaxa looga soo horjeerdo Dowladda Kazakhstan oo xoogeystay

0

220105092424 Video Thumbnail Kazakhstan Vpx Super 169 780x470.jpeg

Dowladda Kazakhstan ayaa goysay khadkii internate-ka ee dalkaasi, iyadoo ay socdaan dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo dowladda, kaasi oo ka dhashay kororka qiimaha shidaalka.

Dibadbaxayaal diidan dowladda oo ku suganaa magaalada ugu weyn ee Almaty, ayaa Arbacadii xoog ku galay xafiiska duqa magaalada.

Qayb ka mid ah dhismaha ayaa u muuqatay mid gubanaysa. Mudaaharaadyo ayaa sidoo kale ka dhacay dhowr magaalo oo kale, iyadoo ciidamada ammaanka ay isticmaaleen sunta dadka ka ilmeysiisa iyo bambooyinka gacanta laga tuuro.

Madaxweynaha ayaa bannaabaxayaasha ugu baaqay in ay rabshada joojiyaan, isaga oo tilmaamay in uu tillaaabo adag ka bixin doono cabashadooda.