Shirka golaha wadatashiga Qaranka oo laga cabsi qabo in lagu kala tago.

0

Fb Img 1624877747697 1 720x470

Warar soo baxaya ayaa sheegaya  in shirka Golaha Wadatashiga Qaranka laga cabsi qabo in lagu kala tago, maadaama  doodda ugu weyn ee shalay iyo maanta shirka hareysay uu yahay arrinta Amniga cida masuul ka noqonayso.

Ilo Wareedyo muhiim ah ayaa KNN u sheegay in Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen uu ku goodiyay inuu shirka ka tagayo haddii  buu yiri laga hadlo arrimo ku saabsan amniga.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in madaxweyneyneyaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland ay sheegeen in ay muhiim tahay in laga hadlo arrimaha amniga.

Lama oga sida uu ku dambeyn doono shirka golaha wadatashiga Qaranka, maadaama madaxda weli ay dood adag u socoto.

Waa culeys kale oo siyaasadeed haddii ay madaxda ku kala tagaan shirka ugu socda Magaalada Muqdisho.