Ciidamado ka wada tirsan dowladda oo ku dagaalamayo Guriceel.

0

1

Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud waxaa maanta laga maqlayaa rasaas xoogan oo bartamaha magaalada ka dhaceeyso taa oo ay is waydaarsanayan Ciidamada ka titsan Booliiska Guriceel iyi Ciidanka GorGor ee halkaa fariisimaha ku leh.

Goob-joogayaal ayaa  sheegay in dagaalku dhaliyay dhimasho iyo dhaawac waxaana ay shegeen in dhimashadu tahay hal qof iyo dhaawaca dad intaa ka badan.

Dagaalka xoogan ee u dhaxeeyo Ciidamada Gor-Gor  iyo kuwa Booliiska ah ayaa yimid kadib markii taliyaha Booliiska Guriceel oo shalay kasoo laabtay safar uu ugu maqnaa muqdisho uu amray in la xiro askarta Gor-Gor ee Magaalada ku daahda xiliga habeenkii ah, iyadoo amarkaa dartii xabsiga loo dhigay askar ciidankaa ka tirsan.

Faahfahino wixii kasoo kordha halkaan kala soco.