Galmudug oo sheegtay in la ciqaabi doono askartii ku dagaalantay Guriceel iyo Dhuusamareeb.

0

Fb Img 1642072964944 720x470

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Galmudug, Gaashaanle Dhexe Cabdulaahi Abuukar Xasan oo maanta magaalada Guriceel kula hadlay saraakiisha laamaha amniga ee Galmudug ayaa sheegay in ay tilaabo ka qaadi doonaan dhinacyadii ku dagaalamay magaaladaasi.

Gaashaanle dhexe Cabdullaahi ayaa xusay in isku dhacyadii Ciidamada dhex maray ee ka dhacay magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb loo ciqaabi doono saraakiisha Mas’uulka ka aheyd hoggaaminta Ciidamada dagaalamay.

Guddoomiyaha ayaa ciidamada amniga ku amray in ciidan kasto lagu tix-galiyo howsha gaarka u ah ee ay masuulka kaga tahay qaranka.

Talaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii dhawaan ciidamo ka tirsan dowladda ay ku dagaalameen Magaalada Guriceel.