Midowga Afrika oo ka hadlay heshiiska ay gaareen Madaxda Soomaalida

0

Moussa Faki Mahamat

Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa soo dhoweeyay waqtiga cusub ee jadwalka doorashada Soomaaliya kadib wadatashiyadii Qaran ee kusoo idlaaday Muqdisho.

War qoraal ah oo uu soo saaray Khamiistii ayuu Faki ku sheegay in uu dhiirigelinayo go’aanka Golaha wadatashiga Qaran ee Somalia ee ah in doorashada Aqalka Hoose si xor oo daahfurnaan ah lagu soo gabagabeeyo 25-ka Febraayo.

Tani waxay si buuxda u ixtiraamaysaa ayuu yiri heshiisyadii Doorashada ee Sebtembar 17, 2020, iyo May 27, 2021, heshiisyada iyo habraaca doorashada Oktoobar 1, 2020, iyo Ogosto 24, 2021.

Faki waxa uu ku celiyay mowqifka Midowga Afrika ee ah in doorashooyin ay noqdaan kuwa lagu kalsoonaan karo taa oo muhiim u ah nabadda waarta ee Soomaaliya.