Mareykanka oo u hanjabay Ruushka.

0

56

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa shegay inuu u badinayo Ruushka inuu weeraro Ukraine, balse wuxuu ka digay inuu Mareykanka uu ka bixinayo jawaab uu Ruushka ka soo kabsan.

Biden wuxuu sheegay inuu Viladmir Putin uu la kulmayo cunaqabateyn abidkii aan soo marin hadduu uu Ukraine weerar ku soo qaado.

Dowladda Ukraine oo xiisaddaasi xuddun u ah dhankeeda waxay sheegtay Ruushka inuu cabsi gelin ku hayo, iyada oo ku baaqday in la sameeyo dadaal kasta oo diblumaasiyadeed si dagaal loo baajiyo.

Xiisadda ka dhalatay ciidamada tirada badan ee uu Ruushka ku soo daabulayo xuduuda Ukrain ayaa cirka isku sii shareereysay maalmihii u dambeeyay.

Hogaamiyayaasha dalalka gaashaanbuurta Nato ayaa ka digaya waxa ay ku tilmaameen halista Ruushka ee ka dhanka ah Ukrain.

Madaxwaynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa digniin adag u diray dhigiisa Ruushka Putin.