Madaxweynaha Hirshabeelle oo Guddi Baara u saarey dilka Talyihii Booliiska Beledwayne

0

1

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Guddi baara u magacaabay dilkii maalintii shalay loo geystay Talyihii Saldhiga Booliiska Beledwayne, Maxamed Xuseen Maxamuud.

Guddigaan oo ka kooban lix xubnood ayaa waxay magacyadooda kala yihiin:

1: Gaashaanle Maxamed Cabuqaadir Maxamed oo ah kuxigeenka xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida, kaas oo guddiga looga dhigay Guddoomiye.

2: Gaashaanle Sare Xasan Dhicisow Xasan oo ah Taliyaha Booliska Hir-Shabeelle oo guddiga looga dhigay Guddoomiye kuxigeen.

3: Gaashaanle Sare Isaaq Cali Cabdulle oo ah Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Xubin.

4: Gaashaanle Dhexe Maxamuud Xasan Ibraahim Baakaay oo ah Taliyaha Guutada 5aad ee qeybta 27aad Xubin.