Maxaa kasoo kordhay kulamada ka socda Baydhabo?

0

3

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor iyo wafdigii Xildhibaanada ahaa oo shalay gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, ayaa halkaas ka wado kulamo ay la yeelanayaan Madaxweynaha Koofur Cabdicasiis Lafta gareen iyo Xildhibaanada labada aqal ee maamulkaas ee dhawaan la doortay.

Kulamadaan oo socday xalay illaa saakay

waxaa looga arrinsanayaa xal ka gaarida khilaafka maamulkaas kala dhaxeeya Xafiiska Raysal Wasaare Rooble iyo Guddiga  doorashada FEIT, kaas oo salka ku hayo muranka doorashada ee la xiriira saddex kursi ay Guddiga FEIT ay hore u hakiyeen islamarkaana ay sheegeen in dib loogu celinayo, iyagoo Madaxda Koofur Galbeed ay arrintaas ka horyimaadeen.

Warar soo baxayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug iyo Xildhibaanada uu hoggaaminayo ay usoo jeediyeen in Magaalada Muqdisho uu tago islamarkaana uu soo fasaxo xildhibaanada ka dibna la dhameeyo khilaafka ka taagan dhinacyada, balse waxaa la sheegay in uu aqbalay arrintaas.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor qoor iyo wafdigiisa Xildhibaanida ah oo kala ah Mahad Salaad, Senator Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer) Guddoomiye ku-xigeenkii labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalle Cawad iyo Mas’uuliyiin kale ayaa imaan doono Muqdisho, iyagoo imaanshahooda uu hordhac u yahay safarka Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Lafta gareen.

Kadib markii ay Muqdisho yimaadaan Wafdiga Xildhibaanada ah ee Madaxweyne Qoor qoor waxay kulan wada tashi ah la qaadan doonaan RW Rooble iyo Guddiga FEIT, iyagoo ka duulaya in aysan gaarin go,aan hal dhinac ah oo saameyn ku yeesha wada xaajoodyada ay ka kala wadaan dhinacyada isku hayo doorashada.