Madaxweynaha Puntland oo safar shaqo ugu maqnaa dalalka Kenya iyo Imaaraadka Carabta ayaa dib ugu laabtay Magaalada Garoowe.
Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxaa Garoonka uga hortegay oo kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan labada Golle ee Puntland, waxaana intaas kadib loo gabiyey dhinaca Xarunta Madaxtooyada Garoowe.
Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Saciid Cabdullaahi Deni inta uu ku sugnaa dalalka Kenya iyo Imaaraadka Carabta uu kulamo lasoo qaatay Mas’uuliyiin kamid ah dowladdahaas oo uu kasoo hadlay ololaha doorashadiisa.
Madaxweynaha Puntland oo ah Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Golihiisa Wasiirada, iyagoona iska xog-wareysan xaaladihii ugu dambeeyay ee deegaanada Maamulka.
Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu dhowaan uu u soo ambabaxo magaalada Muqdisho, isla markaana uu qorsheynayo inuu ka bilaabo ololaha doorashada Madaxtinimada Soomaaliya.