Warbaahinta Xamar Post aya u kuurgashay xiliga la qabanayo doorashada Gudoonka Baarlamanka sida warar inaga soo gaaray Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka BJFS ee BFS waxaa maanta ay shaaciyeen Jadwalka Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo noqon doona sida hoos ku xusan:-
1- Is-diiwaangelin musharixiinta Guddoonka Golaha Shacabka (Xilliga shaqada: 09:00 Am ilaa 04:00 pm) taariikh 19, 20 iyo 21 April, 2022.
2- Hadal jeedinta musharixiinta Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeennada ee Golaha Shacabka BFS taariikh 23 iyo 24 April, 2022.
3- Is-diyaarinta Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka BFS 25 April, 2022.
4- Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka BJFS ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya taariikh 27 April, 2022.