Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta safar kusoo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade kusoo dhoweeyay Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale, qaar kamid ah Xildhibaanada Hirshabeelle iyo Masuuliyiin kale.
Dhanka kale Madaxweynaha Hir-Shabeelle waxa uu garoonka diyaaradaha ee Aadan-Cade kula kulmay Madaxweynihii hore ee Dalka Xasan Sheekh Maxamuud oo ay iska wareysteen xaaladaha guud ee dalka