Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Cambaareeyay weerarkii maanta lagu qaaday Xarunta Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka socday kulan wadajir ah oo ay yeelanayeen labada Aqal.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa uu cambaaraynayaa falalka argagixisada ee la doonayo in lagu carqaladeeyo shaqada Baarlamaanka Federaalka ah.”
Rooble ayaa ku tilmaamay weerarka maanta ee Golaha Shacabka in uu ahaa mid la doonayay in lagu cabsigaliyo Baarlamaanka “Isku dayga Maanta waxa uu ahaa fal fulaynimo ah oo la doonayay in lagu cabsigaliyo Baarlamaanka oo ku guda jira waajib gudashadiisa dastuuriga ah si loo cuuryaamiyo in doorashadu dhaqso u dhammaato.” Sid alagu qoraalka Xukuumadda ka soo baxay.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyay dadaalka BFS ee dhameystirka doorashada Guddoonka labada Gole “Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu bogaadinayaa dadaalka Baarlamaanka ee dhammaystirka iyo dardargalinta doorashada.”
Hadalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku soo beegmaya xilli maanta labada Gole ay yeesheen kulan wadajir ah, kaas oo ay ku meel marinayeen Jadwalka Doorashada Guddoonka labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.