Maxkamadda Sare ee Dalk ayaa laashay Dacdda uu Fahad Yaasiin Xaani Daahir ka gudbiyay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT kaas oo ku saabsanaa doorashada kursiga HOP#086 .
Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa sheegaya in Maxkamadda Sare ay iska diiday qaadista dacwadda uu Fahad Yaasiin ka gudbiyay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal, ayada oo sheegtay in ay awood u laheyn in ay qaaddo.
Maxkammadda sare waxay aqbashay hor-is-taagga xafiiska garyaqaanka Guud ee Dawladda oo matalaya Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal ee ah in aanay Maxkamadda Sare awood u lahayn ka-garnaqida cabashooyinka la xiriirta doorashada dadban ee Baarlamaanka 11-aad.
Go’aanka ka soo baxay Maxkmadda Sare ee Dalka ayaa waxa saxiixay sedexda garsoore oo dacwaddan dhagaystay kuwaas oo kale ah: Gudoomiyaha Maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed, iyo garsoore Cabdulcasiis Maxamed Yuusuf, iyo Garsoore Saalax Sh. Ibraahim Dhiblaawe, oo shalay dhageystay dacwadda kiiskaan.
Fahad Xaajid Daahir loo garan og yahay Fahad Yaasiin oo ahaa Talyihii hore ee Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya NISA ahna la taliyaha Madaxweynaha Muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu doortay 20-kii Febraayo 2022 kaas oo doorashadiisu ay ka dhacday Magaalada Baladweyne oo ah deegaan doorashada labaad ee Dolwad Gobaleedka Hirshabeell.
Guddiga Hirgalinta doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ayaa hakisay natiijada doorashada kursigaan ayada oo ku sababeesay in aan loo marin habraacii saxda ahaa ee Doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.