Muqdisho oo ka socota shahaado siinta Musharaxiinta Guddoonka labada Aqal ee BFS.

0

Aqalka Sare

Guddiyada doorashooyinka Guddoonada labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maalintii labaad oo xiriir ah Magaalada Muqdisho ka wada diiwaangelinta musharrixiinta guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Guddiyada oo shalay diiwaangeliyay Musharrixiin farabadan ayaa Maanta diiwaangeliyay musharrixiinta kala ah Xildhibaan Saadaq C/laahi Cabdi & Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo u sharaxan Guddoomiyaha ee Golaha Shacabka & Xilhibaan Mahad Cabdalla Cawad & Xildhibaan Saciid Maxamed Cali oo u sharraxan guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka.

Xildhibaannada Maanta Shahaadada musharraxnimo qaatay ayaa waxaa sidoo kale kamid ah Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo u tartamaya qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, xilkaasna horay u soo hayay Shantii sano ee la soo dhaafay & Senator Cabdullaahi Cali Xersi oo u tartamaya qabashada Xilka Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Aqalka Sare .

sidoo kale waxaa shahaadada qaatay Gudoomiyihii hore ee Golaha shacabka Maxamed Mursal oo u tartamaya jagada Gudoomiyaha Baarlamaanaka.

Guddiyada ayaa sii wadi doona diiwaangelinta musharriiinta guddoonada labada Aqal, iyada oo ay jiraan musharrixiin farabadan oo aan weli is diiwangelin, balse saacadaha soo socda is diiwaanelin doona.

Maalinta Berito oo Khamiis ah ayaa la soo geba-gabeyn doonaa hadii aan wax isbedelin diiwaangelinta musharrixiinta Guddoonada labada Aqal, iyada oo doorashada Guddoonka Aqalka Sare ay dhici doonto 26 Bishaan halka 27 la qabanayo doorashada guddoonka Golaha Shacabka.