Faafahino ka soo baxaya dhimasho & dhaawac ka dhashay Hoobiyeyaal lagu garaacay degmada Awdheegle

0

Shabaab

Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay tiro madaafiic ah ku garaaceen degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada dowladda Soomaaliya, waxana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Wararka Xamapost uu helay ayaa sheegaya in hoobiyeyaasha ay ku waxyeeloobeen Askar & dad Shacab ah, waxaana ku dhintay Gabar 8 sano jir ah halka ay ku dhaawacmeen 12 Ruux oo isugu jira Saddex Askari iyo 9 Ruux oo Shacab ah.

Qof ku sugan degmada Awdheegle ayaa Xamarpost u sheegay in sidoo kale hoobiyeyaasha ay ku dhaceen Guri ay deganayeen dad Shacab ah, isla markaana ay ku gubteen ilaa 9 Guri oo kuyaalla meel u dhow Xerada Ciidamada dowladda ee egmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa gorgor iyo 14 Octoober eek u sugan degmada Awdheegle ayaa dhankooda tiro madaafiic ah uga jawaabay weerarka hoobiyeyaasha ah ee kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab.