Kumuu ahaa Genaral ka tirsan Meletariga Soomaliya oo lagu weeraray Muqdisho.

0

Genaral Maaxamed

Kadib markii Maanta barqadii qarax Miino lagu dhaawacay xilli uu marayay agagaarka Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho sarkaal ka tirsan Ciidamada Millateriga oo lagu Magacaabo General Maxamed Xaashi ayaa waxaa ka hadashay Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

qaraxa waxa uu ka dhacay Isgoyska Banaadir ee Muqdisho, waxaasa ku dhintay 7ruux oo qaar ka mid ah ilaalo u ahaa Genaralka lagu weeraray qaraxa oo ahaa Miinada dhulka lagu aaso

Sargaalka ayaa dhankiisa waxaa qaraxa ka soo gaaray dhaawac fudud.

Afhayeenka Xukuumadda Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa caafimaad deg deg ah u rajeeyay General Maxamed Xaashi oo qaraxa ku dhaawacmay, sidoo kalena uu u tacsiyadeeyay laba amid ah ilaaladiisa oo qaraxa ku dhaawacmay.

Qoraal uu Afhayeenka soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in General Maxamed Xaashi uu ka mid yahay saraakiisha waayo-aragga ah ee lafdhabarta u ah  u ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Afhayeenka Xukuumadda Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Caafimaad deg deg ah ayaan Eebe uga baryaynaa General Maxamed Xaashi Guuleed.

Kooxda cadowga ee Shabaab waxaa ay saaka qarax miino ku bartilmaameedsadeen General Maxamed Xaashi oo ka mid ahaa saraakiisha sare ee CXDS inta u dhaxeysa Isgoyska Banaadir iyo Isbitaalkii hore ee Digfeer kaas oo uu soo gaaray dhaawac.

Waxa aan General-ka Ilaah uga baryeynaa inuu siiyo caafimaad deg deg ah , waxa sidoo kale aan halkan u tacsiyadeynayaa qaraabada  labada askari ee geeriyooday oo kala ah Feysal Xasan Cumar iyo Xuseen Maxamed Cabdi oo ka mid ahaa ilaalada Jananka ,waxana aan Eebe uga rajeynayaa in Janadiisa uu u hibeeyo.

General Maxamed Xaashi waxa uu ka mid yahay saraakiisha waayo-aragga ah ee lafdhabarta u ah  u ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed , xurmad weyna ku dhex leh kaas oo kaalin mug leh ka qaatay dib u dhiska ciidanka Militiriga Soomaaliya.

Ilaah ha caafiyo.