Golaha Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa war kasoo saaray doorashada guddoonka Aqalka Sare, waxayna hambalyo u direen Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo markale loo doortay guddoomiyaha Golaha ee 4 sano ee soo socota.
Noqol ka mid ah qoraalka ka soo baxay Midoowga Murashaxiinta oo soo gaaray Xafiiska Xamarpost ayaa u dhignaa sidan.
“Midowga Murashaxiinta wuxuu hambalyo u dirayaa Senator Cabdi Xaashi C/laahi oo ku guulaystay guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka 2022-2026,” ayaa lagu yiri warasaxaafadeedka kasoo baxay Golaha Midowga Musharixiinta.
Musharaxiinta Mucaaradka ayaa sidoo kale sheegay in Cabdi Xaashi uu udub dhexaad u ahaa halgankii looga horyimid muddo kororsigii labada sano ahaa ee Farmaajo.
“Senator Cabdi Xaashi wuxuu uddub dhexaadka u ahaa halgankii looga horyimid muddo kororsigii sharci darida ahaa iyo jahwareer kii siyaasadeed ee uu dalka u horseeday madaxwaynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamad C/laahi Farmaajo,” ayaa lagu yiri.
Golaha ayaa u rajeeyey Cabdi Xaashi in howsha loo igmaday uu u guto si waafaqsan Dastuurka dalka iyo danta qaranka.
Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kusoo baxay 28 cod, halka musharrax Saalax Axmed Jaamac oo ku soo xigay isna helay 24 cod, halka Dubbe uu helay 2 cod oo kaliya.
Cabdi Xaashi ayaa markale afarta sano ee soo socota hoggaaminayo Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, isaga oo 5-tii sano ee lasoo dhaafay ahaa guddoomiyaha Golaha.