Ra’iisul Wasaaraha Rooble oo ku sugan magaalada Geneva ayaa kula kulmay u qeybsanaha Midowga Yurub ee arrimaha bani’aadminimada.

0

Saaa

Ra’iisul Wasaaraha Rooble oo ku sugan  magaalada Geneva ayaa  kula kulmay u qeybsanaha Midowga Yurub ee arrimaha bani’aadminimada Predrag Avramovic oo ay ka wada hadleen taageerada Midowga Yurub iyo kaalintooda ku aaddan gurmadka dadka soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Midowga Yurub ayaa xaqiijiyay in ay ka go’an tahay in ay kordhiyaan taageeradooda Soomaaliya, si looga jawaabo xaaladda bani’aadminimo ee ka dhalatay abaarta adag ee ka taagan Soomaaliya.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday xarunta Safaaradda JFS ee magaalada Geneva ahna ergada joogtada ah ee QM, halkaas oo uu kula kulmay safiiradda Soomaaliya ee Switzerland Marwo Ebyan Maxamed Saalax iyo diblomaasiyiinta safaaradda.

 

Ra’iisul Wasaaraha oo warbixin ku saabsan shaqada safaaradda ka dhageystay safiiradda ayaa ku bogaadiyay howlwadeennada safaaradda shaqada adag ee ay ku matalayaan qaranka, isagoo dhiirrigeliyay in ay sii laba jibbaaraan.

 

Xalay ayay ahayd markii Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu magaalada Geneva kula kulmay xubno ka socday jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Switzerland oo uu uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan heerka ay mareyso abaarta dalka ka jirta iyo sida qurbajoogta Soomaaliyeed uga qeyb qaadan karto gurmadka dadka abaartu saameysay, doorashooyinka iyo amniga dalka.

Waxaana Ra’iisul Wasaarare Rooble uu Geneva uga qeyb galayaa shir caalami ah oo ku saabsan abaaraha ka jira Geeska Afrika, si gaar ahna diiradda loogu saarayo xaaladda abaareed ee Soomaaliya.

 

Waxaana uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed meel ay joogaanba in loo gurmado dadka ku tabaaloobay abaarta ba’an ee dalka ka jirta.