Doorashada ka socota Teendhada Afisiyoone ayaa loogu doortay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Senatar Cali Shacbaan oo laga soo doortay dowlad goboleedka Hirshabelle.
Wareegii koowaad ee tartanka musharaxiinta ayaa waxay kala heleen Cali shacbaan Ibraahim 26 Cod, Cabdixakiin Macalin Axmed 27 Cod waxaana hallaabay hal cod.
Wareeggii labaad ayuu Sanatar, Cali Shacbaan Ibraahim helay 28 , halka xildhibaan Cabdixakiin Macallin Axmed uu helay 25, halka cod ka mid ahna uu hallaabay.
Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay guusha Shacbaan oo Afarta sana ee soo socota noqon doona guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Aqalka sare.