kulan looga hadlaayay amniga guud ee dalka iyo kan doorashooyinka Golaha Shacabka iyo tan Madaxweynaha ayaa ka qabsoomay xarunta saldhiga Booliska ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Kulan ayaa waxaa shir Guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, waxaana inta uu socday diirada lagu saaray xal u helida caqabadaha iyo amniga doorashada.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kulan Warbixino la xiriira dhinaca amniga uga dhageystay Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka, waxaana la isku raacay dardar-gelinta howlaha lagu sugayo amniga Caasimadda iyo kan doorashooyinka dhacaya.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya, Madaxweynaha Maamulka Puntland, Madaxweynihii hore ee Galmudug, Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka JFS iyo Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda ee shaqo joojinta lagu sameeyay.
Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo xalay Ra’iisul Wasaare Rooble ku amray Ciidanka howlgalka ATMIS inay la wareegaan amniga Teendhada Afisyooni oo Maanta ay ka dhaceyso doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labadiisa ku-xigeen.
kulankaan ayaa ku soo adaya iyado xaalad kacsanaan ah uu ka jiro Albaabka hore ee laga galo Teendhada Afisyooni, halkaas oo ay tageen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska, isla markaana Teendhada u diidayey inay galaan Xildhibaanada Golaha Shacabka.